Jadwalka doorashada kursigii HOP#203 & Xildhibaankii la siiyay oo la yaqaan

Reading Time: < 1 minute

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa shaaciyay jadwalka qabashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#203 oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo.

Guddiga ayaa sheegay in 15-ka Bishaan oo ku began Maalinta Arbacadaha ay ka dhaceyso doorashada kursiga HOP#203, magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee Jubbaland.

Wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Cabdi Xiis Udan ayaa socdaalkooda daaran qabashada doorashada kurisga tirsigiisu yahay HOP#203.

Kursiga HOP#203 ayaa 28-kii December 2021, doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaa ku soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo doorashada helay 69 cod halka musharaxii la tartamay oo ahaa Axmed Maxamed Maxamuud helay 17 cod waxana halaabay 15 Cod.

Sida ilo muhim ah ay xaqiijeen, Ra’iisal Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa horay u go’aamiyay cida kursigaas la siin doono. Waxa la yiraahdo doorasho rasmi pp ka dhaceyso Kismanyo ma jirto, laakiin waa kursi la bixiyay.