Jadwalka doorashada Aqalka Sare, Somaliland oo lagu dhawaaqay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa xalay shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland. Sida ku cad jadwalkaas, Khamiista todobaadkan oo ku beegan 23-ka September 2021, waxa bilaaban doona diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland.

Sabtida 25-ka September 2021, waxa la dhammaystiri doonaa diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta Aqalka sare, halka maalinta Axadda ah oo ku beegan 26-ka September la tababari doono ergada wax dooranaysa, iyadoo Isniintana la dhedaysan doono hadal-jeedinta musharrixiintaas. Ugu dambayn, 28 ilaa 30-ka September waxa dhacaysa doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto gobollada waqooyi ee Somaliland, sida ku cad jadwalkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!