Reading Time: 3 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
130 days
06 hours
40 minutes
29 seconds

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa uu waqti-badan galiyay sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.  Waxa magaalada Jabuuti si heer-sare ah loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyada oo loo muujiyay jaceeyl  loo qabo Dowlad Goboleedka Galmudug. Indha sarcaadkii loogu sameeyay magalaada Jabuuti ayaana keenay in uu saxiixo heshiis hawada looga saarayo mustaqbalka Dekada Hobyo.

Madaama hogaanka Galmudug yahay mid aan aqoon badan u lahayn  isbadalka siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan wadamadda Itoobiya iyo Jabuuti  kuwaa oo uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer salkana ku haya  arimaha dhaqaalaha, ayaa waxa uu durbadiiba heshiis aan laga fakarin  uu la galay dowlada Jabuuti iyo shirkad ay leedahay dowlada Shiinaha.

Talaabada uu qaaday, Qoor-Qoor oo aan aad looga fiirsan ayaa waxa ay burbrin doontaa mustaqbalka dekada iyo shacabka ku dhaqan degaanka Galmudug oo rajo badan ka qabay dhismaha dekada Hobyo.

Hadaba waa maxay ujeedada Jabuuti ka leedahay Hobyo?

Jabuuti waxaa ay heshiis horay ula gashay shirkadaha Shiinaha ee gaaska ka qodayo degaanka Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Jabuuti waxa ay dowlada Shiinaha iyo Dowlada Itoobiya horay ula gashay  heshiis lagu dhiisaayo tubooyinka (Dhuumaha) shidaalka ka qaadaya dhulka Soomaalida kaas oo si toos ah looga dhoofinayo dekad  dhowr asbuuc ka hor lagu casuumay Axmad Qoor Qoor in uu isagu furo.

Dowlada Shinaha ayaa lacag lagu qiyaasay $4.5 Bilyan ku dhisayso dhuumaha shidaalka ka qaada dhulka Soomaalida, halka dalka Shiinaha uu si rasmi ah uu u haysan doono saldhiga ciidan ee uu ku leeyahay dalka Jabuuti.  Dhanka kale dhaqaalaha ka soo baxa shidaalka ayaa waxaa saami-weyn ku leh dalka Shiinaha oo horay u maalgalisay qodida shidaalka dhulka Soomaalida.

Ceelasha shidaalka dhulka Soomaalida oo tiro ahaan gaaraya 21 ceel ayaa ku  yaal deegaan u dhaw xududa dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhulka Galmudug. Hadii Soomaaliya yeelato dekado, sida Garacad iyo Hobyo  iyaga ayaa ugu dhaw uguna raqiisan in shidaalka dhulka Soomaaliya laga dhoofiyo.

Jabuuti oo og khatarta uga imaan-karta Dekada Hobyo, ayaa waxa ay hesiis la gashay Dowlad Goboleeedka Galmudug, iyada oo qayb weyn ku yeelan doonta saamiga dekada Hobyo, (waaba hadii la dhiso).  Talabaada indha la’aanta ah oo ay qaaday Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si dadban waxa ay ay awood u siisay sadaxda dal ee Shiinaha, Itoobiya  iyo Jabuuti in ay xaqiijiyaan in ay Dekada Hobyo ayan waligeed shaqaynin isla markaana lagu burburiyo  dekada Garacad oo dhismaheedo marayo meel gabo-gabo ah.

Waxaa uu Ismaaciil Cumar Geelle uu horay heshiis ula galay Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo la rabo in shidaalka ka imaanaayo Itoobiya laga dhoofiyo dekedda Garacad, kaasoo lagu wado in sanadkii laga heli doono adduun dhan $500 Milyan oo faa’iido, waxaana si loo yareeyo qatarta ka iman karta in Dekedda Hobyo la dhiso heshiis beenaad lagu cuuryaaninayo dhismaha dekedda Hobyo laga saxiixday Qoor Qoor.

Qormada Xigta:

Qormooyinka  danbe ayaa waxaa idinkuugu soo gudbin doonaa dagaalka ay Dowlad Goboledka Galmudug ku qaaday danaha dowlada Marakanka ka leedahay Soomaaliya iyada oo aan wax faa’iido ah ku badalan, taas oo aan shaki ku jirin in ay Galmudug  u keeni doonto burbur horleh, gaar ahaan iyada oo Maraykanku wali xasuusto dhacdadii Black Hawk Down.  Waxaan sidoo kale idiin soo tabin doonaa sababta uu MW Farmaajo uga ogolaaday Abiy Axmad in heshiis gaar ah ay dowlad goboleed la gasho dalka Shiinaha iyo dalka Jabuuti.