Jabuuti oo qabanayso shir dib logu furayo wadahadalka Soomaaliya & Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Sida ay warbaahinta la wadaageen mas’uuliyiin ka tarisan madaxtooyada dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Shirkan ayaa ah mid dib loogu furayo wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo in mudo xayirnaa. Kulankii ugu danbeeyay oo ay ku kulmaan madaxda dalka la magac baxay Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ka dhacay dalka Jabuuti waxaana Soomaaliya uga qayb-galay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu dagaal culus uu ka socda qeybo kamida dhulka ay Somaliland sheegato inuu kamid yahay Jamhuuriyada Somaliland. Waa deeganka Sool, Sanaag iyo Cenyn. Dadka degaankaas ku nool ayaa horay u  sheegay inayan ka mid ahayn Somaliland, qaybna ay ka yihiin dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale dowlada Puntland ayaa ka hortimid qorshaha Dowlada Soomaaliya ee wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland. waxaa iyagana diiday inay soo dhaweeyaan wadahadalada Madaxda dhaqanka iyo hogaanka siyaasadda ee SSC.