Jabhadda Falaagada ee Garxajis oo qabsatay tuulo iyo gaari – (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Sida laga dareemayo sawirada naga soo gaarayo tuulooyinka Daba-gorayaale iyo Oodweyne, Jabhada hubeysan ee beesha Garxajis ee ku jirtay degaanka Gacan-Libaax ayaa maanta sheeganaya inay guulo ka gaareen gudagaalka ay kula jiraan dowlada Somaliland.

Sawiradii ugu horeeyay ee laga soo qaaday dagaalkii Daba-gorayaale. Deegaanku wuxuu ku dhow yahay xuduudka Itoobiya. Tani waxay ka dhigan tahay in Gacan Libaax Macawislay ama jabhada beesha Garxajis ay hadda ka hawlgalayaan masaafo dhan 100km iskudar ilaa xaduuda dalka Itoobiya

Video ay soo direen Jabhadda ayaa waxaad maqli kartaa dhawaqa rasaasta ee  farxadda marka dadka deegaanka ay si buuxda ugu soo baxaan si ay u soo dhaweeyaan xoreeyayaashooda.

Dowlada Somaliland wali kama aysan hadlin dagaalka maanta dhexmaray ciidankooda iyo kuwa Jabahada Garxajis.