Jabhada Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday Garoon Diyaaradeed ee ku yaala Sacuudiga

Reading Time: < 1 minute

Jabhada Xuutiyiinta ee ka dagaasha dalka Yamen ayaa weerar ku qaaday Garoon Diyaaradeed ee ku yaala SacuudigaDiyaaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yamen ayaa duqeyn ka fulisay gudaha garoonka diyaaradaha Abha  ee dalka Sacuudiga sida ay sheegen xulafada uu horkacayo Boqortooyada.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dalka Sacuudiga,  Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha sida lagu cadeeyay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xulafada Sacuudiga uu horkacayo ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta Yamen. Bayaanka ayaa sidoo kale sacuudiga ku sheegay in garoonka lagu soo qaaday weerar labaad balse ciidamada ay dhexda ka qabteen diyaaraddii weerarka soo qaadday.

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah , Weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha waxa uu ka dhigan yahay dambi dagaal.” ayaa lagu yiri Bayaanka.