Jabhada Onlf Oo Soo Bandhigtay Heshiiskii Ay Lagaleen Madaxweynaha Somali Galbeed

Reading Time: < 1 minute

Jamhadda ONLF ayaa sheegtay in ay heshiis la gaareen Madaxweynaha Cusub ee Soomaali galbeed,kadib wada-hadal ku dhexmaray Magaaladda addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia.

Afhayeenka Jamahadda ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay labadda dhinac kuwada heshiiyeen,islamarkaana dhawaan la dhameystiri doono waxyaalaha kale ee haray.

Dhanka kale Madaxweynaha Cusub ee Soomaali galbeed Mustafa Omer, ayaa sheegay in heshiiska ay la gaareen ONLF uu ka dhigan mid soo gaba-gabeeyay colaadii ka taagneed mudooyinkii dambe dhulka Somali Galbeed.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa kala ah

  1. In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;
  2. In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;
  3. In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;
  4. In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;
  5. In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;
  6. In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;
  7. In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;

Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan.