Jabhad Cusub oo Deegaanada Maamulka Soomaaliland looga dhawaaqay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Mgaalada Buuhoodle ee Gobolka Sanaag looga dhawaaqay Jabhad Hubaysan oo ladagaalanta Ciidamada Maamulka Soomaaliland eek u sugan Gobolada Sool iyo Sanaag ee Deegaanada Mamulkaa.

Jabhadaan lagu dhawaaqay ayaa waxaa lagu Magacaaba SSC  oo logawado [SOOL SANAAG CEYN[waxaana Jabhaan hogaaminaya Nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali.

Hogamiyaha jabhada ayaa waxa uu sheegay in sababta Jabhadaa loo aas aasay ay tahay xoraynta Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn waxa uuna Shacabka Degan Degaanadaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan kaqayb qaadashada Dagaalkaa lala gelayo Ciidamada Maamulka Soomaaliland.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Maamulka Soomaaliland kusoo badanayay Jabhado hubaysan oo ku dhawaaqayay in ay Dagaal lagelayaan xukuumada Muuse Biixi uu Hogaanka u haayo.