Jaamacada Carabta oo ka hadashay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Danjire Xamuuda bin Samraan Al-xuweydhi oo ah wakiilka  Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay  qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdihso oo ay ku nafwaayeen dad farabadan.

Bayaan uu wakiilka soo saaray  ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naaf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi intaba, wuxuuna allah ugu baryay inuu uga bishaareeyo kuwii ku shahiiday dhacdadaasi  Janadiisa firdowsa, ehaladii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siyo, isla markaana kuwii ku dhaawacmayna  uu alle caaifimaad deg deg ah siiyo.

Danjire Xamuuda wuxuu sheegay in falalkan noocan ah ee weerarrada argagixisada ee lagu qaado goobaha dadka rayidka ah ku ssugan yihiin ay  yihiin kuwa diinta islaamka ka soo  ka soo horjeeda,wuxuuna ku booriyay Xukuumadda Soomaaliya inaysan  ka niyad jabin weerarada noocan ah oo ay sii waddo hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayna horumariso dhismaha Dowladnimo.

Wuxuu ugu dambeytii daboolka ka qaaday wakiilka Ergada Jaamacadda Carabta u fadhiya Muqdisho inay jaamacadda Carabta ay barbar taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka dalka ka jira.