Jaamac M. Qaalib oo wakhti kooban lagu xiray Garoonka Hargeysa, markii dambana la sii daayay

Reading Time: < 1 minute

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ka mid ah odayaasha reer Somaliland ee sida weyn ula dhacsan, walina aan ka tanaasulin mabda’a Soomaali weyn, muddo dheerna ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dorraad ka soo dagay  garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport halkaasi oo muddo dhawr saacadood ah ciidamada ammaanku ku hayeen kadib markii ay si kedis ah ugu qabteen isaga oo ka soo degay diyaarad uu ugu soo safray Hargeysa.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qabashada ciidamada ammaanku ay Madaarka Hargeysa ka qabteen siyaasi Jaamac Yare ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ciidamada ammaanku markii ay Madaarka ku qabteen Janaraal Jaamac Maxamed Qaabil waxa dhacday in muddo kooban kadibba ay ciidamadu halkaasi ka sii daayeen isaga iyo qof ehelkiisa ka mid ah oo ay wada socdeen.

Lama oga ujeedada rasmiga ee safarka Jamac  iyo in uu Somaliland u soo guuray iyo in uu kaliya safar kooban ku yimid oo uu muddo kadib ku laabanayo Muqdisho.