Iyado shalay lo doortay Gudoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Shiiq C/raxmaan aya waxa doorashadiisu ay aheyd mid ay ku baxday lacago badan oo uu Raii’sul Wasaare Kheyre ku bixiyay sidii uu ku noqon laha Afayahenka Golaha Shacabka.
Xukuumada Soomaaliya aya ku taameysa in ay gacanta ku dhigto Golaha Shcabka waxana qorshahan uu so bilawday Qorshihii lagu ridayay Gudomiyihii is casilay ee Prof Jawaari.
Lacago xoogan aya sedexdii maalin ee ugu danbeyay lagu bixiyay Doorashada Gudoomiyaha Maqaarsaarka Noqon doono iyado wax laga xumaado ay tahay in qeybo ka mid ah dalku ay ka jiraan Xaalado xun in lagu lacagi lagu bixin laha in laaluush lagu bixiyo.
Qeybo ka mid ah dalka waxa ka jira Fatahaado iyado Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ay Xaalad tii ugu xumeyd ee Ka jirto aya waxa Xukuumada Soomaaliya ay ku bixisay lacag 2.5 milyan oo Doolar ah iyado ay lacagahaasi ay mudnaayeen in lagu bixiyo Fatahaadaha Wabiga Shabeele uu ka geystay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Xukuumada aya ku fashilan wax ka qabashada Fataahadaha Wabiga Shabeele iyado Madaxweyne Farmaajo u u damaashad tagay Goobaha Fatahaadu ay ka dhaceyn ee Baladweyne.