Iyada oo lagu jiro bishii soonka ayaa isticmaalka khamriga ku soo batay Garowe

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo lagu jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan ayaa xaddiga isticmaalka khamrigu heerkii ugu sarreeyay ka gaaray magaalada Garoowe. Xogo kala duwan ayaa xaqiijinaya in todobaadkan uu khamrigii ugu badnaa uu soo galay Garoowe islamarkaana saamayn maskaxeed ku yeeshay dhalinyarada da’yarta ah.

Kororka Isticmaalka khamriga ayaa sidoo kale saamayn taban ku keenay amniga caasimadda Garoowe sida ay wararku sheegayaan. Kooxaha abaabulan ee lala xiriirinayo maandooriyaha khamriga ayaa habeenkii falal amni-darro ka sameeyay xaafadaha Garoowe.

Booliska oo dhankooda habeenkii hawlgallo ka sameeya Garoowe weli ma soo bandhigin wax natiijo ah oo laga gaaray arrintaas. Kororka Khamri ee magalaada Garowe ayaa walwal ku dhaliyay culumada reer Puntland, waxaana muuqato in dowlada Puntland ku fashilantay ka hortaga isticmaalka Khamriga.