Warbaahinta Dawladda Itoobiya ayaa baahisay warbixn ku saabsan heshii ay wada gakleen dowlada Itoobiya iyo shirkada DP World. Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay heshiis ku wajahan aagga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) ee Berbara kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtay in Shirkadda DP World oo maalgelisay marsada Berbera iyo Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera (Berbera free Zone). Waxaanay intaas ku dartay in heshiiskan ay isku kaashanayaan DP World iyo Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya, wax tafaasiil ah kamay bixin cidda u seexday Itoobiya iyo DP World midna. Waxaa muuqata in Dowlada Itoobiya iyo Imaaraadku ay heshiis ku yihiin in Berbera noqoto saldhig ganacsi oo lagala xaajoodo dowlada Somaliland oo kali ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga yeeray dalka Itoobiya iyada oo la filayo inuu maalmaha soo socdo uu halkaas safar ku tago dalka Itoobiya. Lama oga sababta loogu yeeray inuu halkaas u tago.