Itoobiya oo dib-u-dajin u sameeysay kumanaan qaxooti kayimid Laascanood

Reading Time: 2 minutes

Dib-u-dejin ayaa loo sameeyay qaxoontiga dhawaan soo gaaray Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ka soo cararay dagaalladii ka dhacay magaalada Laascanood ee Soomaaliya, ayaa la bilaabay, iyadoo 1,036 ka mid ah dadka ugu nugul laga soo raray deegaannada xuduudka ah, lana geeyey degaan cusub saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Degaanka cusub ee loo rarayo qaxootiga ayaa ku yaal meel 50 kiiloomitir u jirta soohdinta Mirqaan, degmada Bokh. Waxaana hoowshaan iska kaalmeysanaya hay’adaha qabanqaabinaya Adeegga Qoxootiga iyo Qaxootiga ee Itoobiya (RRS) ee Itoobiya  oo ay weheliyaan UNHCR, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga iyo la-hawlgalayaasha.

Sia ay saraakiisha sheegeen markay qaxootiga yimaadaan waxa lagu diiwaan galinyaa biometric ahaan waxaana la siiyaa teendho iyo agab kale oo muhiim ah si ay u dhistaan guri cusub.

Dawladda Itoobiya ayaa si deeqsinimo ah u qoondaysay 400 oo hektar oo ay qaxoontigu degi karaan oo ay ka heli karaan adeegyada jira, sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

Dhanka kale, hay’adda UNHCR waxa ay sii wadaysaa inay la hawlgasho maamullada iyo hoggaamiyayaasha maxalliga ah si ay u qiimeeyaan daldaloolada adeegyada aasaasiga ah si  qaxootiga iyo Itoobiyaankaba u helaan adeeg wanagasan. Deenka cusub ee la dajinayo qaxootiga Laascaanood waxaa la horumarinayaa iyadoo ay caawinayaan mutadawiciin ka socda bulshada deegaanka ee ku dhaw degaanka qaxootiga. UNHCR ayaa sidoo kale kordhinaysa shaqaalaheeda aagga.

Tan iyo markii ay dagaalladu ka billowdeen magalaada Laascaanood bartamihii bishii Febraayo, kumannaan qof ayaa soo gaaray gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay ammaan u helaan. Ilaa usbuucii hore, 91,000 qof ayaa RRS ay ka diwaan galisay taageerada UNHCR. Qaxootigu waxay sii wadaan inay yimaadaan, iyagoo ka cararaya rabshadaha ka socda dalkooda hooyo.

Dadka soo tahriibaya badankoodu waa haween, carruur iyo dad waayeel ah. Waxaa ka mid ah in ka badan 3,400 oo carruur iyo dhallinyaro aan lala socon oo kala maqan. Waxay UNHCR uga sheekeeyeen sheekooyin naxdin leh oo ku saabsan sidii ay u kala tageen markii ay dagaalladu bilowdeen oo ilaa hadda ay awoodi waayeen inay dib ula soo xiriiraan qoysaskooda ama mas’uuliyiinta.

Iyadoo qaxoonti badan ay qoysas Itoobiyaan ahi guryahooda ku qaabileen, qaar kale oo u soo tallaabay Itoobiya ayaa weli waxa ay ku jiraan guryo cidhiidhi ah ama  waxa ay jiifsadana bannaanka kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah. Dajinta qaxootiga ee deegaanka Mirqaan waxay sahli doontaa baahiyaha sii kordhaya waxayna fududeyn doontaa bixinta kaalmooyinka ay ka mid yihiin hoyga, agabka gargaarka aasaasiga ah, cunnada iyo biyaha – kuwa aan xiriirka la lahayn bulshada.