Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegi doonto dekadaha Soomaaliya! Farmaajo muxu ka ogyahay?

Reading Time: 2 minutes

Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah. Hadalkaan ayaana salka ku haya in Itoobiya ka go’aan tahay in ay la wareegto dekadaha Soomaaliya.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

“Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso ayey tiri.

Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.

Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera.

Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.

Barafasoor Matiwos Insermo oo ka takhasusay cilmiga Logistika kana tirsan Jaamacadda Adiis Ababa wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay Itoobiya in ay Dekad ku hesho Iib, Gorgortan ama Kiro.

Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa iney muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiyo maadaamaa ay dakaduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 2018 maruu ka hadlayey Dekadaha isticmaalkooda wuxuu yiri: “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay 2018-kii ku heshiiyeen iney iskaashi dhaqaale oo dhinac walba leh ay yeeshaan iskaashigaasi oo uu ka mid yahay iney Itoobiya ay maalgeliso afar dakadood oo ku yaalla Soomaaliya si ay u itsicmaasho, balse dowladda Federaalka ayaa sheegtay iskaashi dhaqaale in lagu heshiiyey balse ay jirin heshiis laga gaaray Dekado ay itoobiya maalgashi ku sameyneyso.

Dowlada Itoobiya oo isticmaalaysa Farmaajo oo waqtigiisa sii dhamaanaya ayaa ay heshiisyo aan la shaacin la gashay dowlada Soomaaliya, heshiisyadaas ayaana laga qariyay baarlamaanka Soomaaliya, waxaan la rumaysan yahay in heshiiskaas ay qayb ka ahayd in dakadaha Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!