Itoobiya oo raaligelin siisay dowladda Federaalka Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Itoobiya ayaa raaligelin ka bixisay barnaamij laga sii daayay TV dowladda oo eedeyn loogu soo jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa siddaan u qornaa:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka war bixisay warbixintii aan saxda ahayn ee barnaamijka “Etv WORLD” ee ku saabsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la sii daayay Talaadadii, Sebtember 6, 2022. Nuxurka barnaamijku ma matalo siyaasadda dawladda Itoobiya oo aan waafaqsanayn xidhiidhka labada ummadood.