Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha ee Itoobiya ( Booli Airport ) si heer qaran ah. Waxaana Madaxwaynaha la geeyay qolka nashada, iyadoo halkaas la dhigay Calanka Somaliland kursiga uu ku fadhiistay halka Calanka Itoobiyana la dhigay Kurisa uu ku fadhiistay Wasiirka Maaliyada Axmed Shide oo Madaxwaynaha oo garoonka nasasho ku ahaa ugu tagay.
Dhanka Jabuuti markii uu madaxwayne tagay waxaa la fadhiisiyay Kursi la daba dhigay Calanka jabuuti. Talaabadan soo dhawaynta ah ee ay muujisay dowladda Itoobiya ayaa ah mid waji cusub oo siyaasadeed u furtay laba dal oo muddooyinkii dambe xidhiidhkoodu hooseeyay.
Jabuuti ayaa inta badan marka uu usafro Muuse Biixi daba dhigta calankeeda, waxaanay dadku ku doodaan in Muuse Biixi uu haysto dhalashada Jabuuti sidaa awgeed ay jabuuti ula dhaqanto muwaadin dalkiisii yimid.