Dalka Itoobiya ayaa markale soo tababartay dufcad ciidan oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Ciidnka ayaa soo qaatay tababar socday mudo bil ah. Askartan ayaa la sheegay inay gacan ka geysan doonaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Ma aha markii ugu horeeysay oo Itoobiya ciidan Soomaali ah u soo tababarto. Waxa ay horay u soo tababartay ciidanka kor dhaafayo kumaan askar ah.
Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya o lagu tababaray Ethiopia la sii daayay dabayaaqadii todobaadkii hore ayna yihiin kuwo la filayo in ay ku biiraan dagaalka.
Waa markii ugu horeysay oo Itoobiya ay tababar siiso ciidamo ka socda Soomaaliya, tan iyo markii iskaashi amni oo saddex geesood ah ay kala saxiixdeen Addis Ababa, Muqdisho, iyo Asmara.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay iyadoo aan la xaqiijin tirada la tababarayaasha in loo diray meelo kala duwan oo dalka ka tirsan si ay uga qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab.
Eritrea ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo tababara in ka badan 5,000 oo askari, waxaana lagu wadaa in ay qaataan 3,000 oo kale bisha March ee sanadkan.