Shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya aya la ogaaday in ay hubka ka iibiso maamulka Soomaaliland tan iyo markii uu ka dhex qarxay dagaalka u dhexeeya labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland.
Waxaa maalmo ka hor soo baxay warbixintii qaramada midoobay taasoo lagu eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay cunaqabateyntii saarneyd ee hubka, balse warbixinta ayaanan marnaba lagu xusin sida ay dowladda Itoobiya u soo geliso hub dalka Soomaaliya ugana iibiso qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira.
Dowladda Federaalka ah aya u dhaga nugul oo aad moodda in aay raalli ka tahay gabood falka ay hubka isugu dhiibeyso dowladda Itoobiya dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.
Baarlabaanka JFS aya looga fadhiyaa in uu arrintan ka hadlo qaraarna ka soo saaro, waayo marnaba ma dhici doonto in aay qaramada midoobay ay cambaareyso hubka ay Itoobiya soo gelineyso dhulka Soomaaliyeed.