Wasiirka Maaliyada ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Heshiiskii dekadda Berbera oo ay dowladda Itoobiga ku laheyd saami gaaraya 19% uu burburay oo aysan waxba ku laheyn dakhliga dekadda ka soo xaroonaya.
Wasiir Sacad ayaa sheegay in Somaliland iyo DP-world oo kaliya ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxda Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aanay waxba ku lahayn dhaqaalahaas balse goor hore uu jiray kaliya isfaham uuna dhaqan-gelin.
“Saamiga dekadda Berbera waxaa is ka leh Somaliland oo leh 35% iyo DP-word oo iyana leh 65%, heshiiskaas la galay Itoobiya qeyb kama aha” ayuu yiri wasiir Sacad.
Bishii February ee sanadkii 2017 ayaa waxaa jiray heshiis saddex geesood ah oo Somaliland, Dowladda Itoobiya iyo shirkadda DP-world ay ku gaareen dalka Imaaraatka Carabta, kaasi oo lagu kala qeyb saday saamiga kasoo xaroonaya dekadda Berbera.
Heshiiskaasi ayaa waxaa la horgeeyay Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, iyada oo ay si adag uga hor-yimaadeen, Somaliland ayaana tillaabadaasi si ka hor-timid.
Sida MOL aay ogaatay, waxaa Itoobiya aay saamigeedii Dekedda Berbera ku bedelatay in Deked ciidan aay ka dhisato Saylac, taasoo aay ka caawin doonto dhismaheeda dowladda Ruushka.
Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale ka codsaday Itoobiya in aay Somaliland u aqoonsato dowlad madax bannaan taasoo Itoobiya aay ka aqbashay una dallacsiisay qunsulkii joogay Hargeysa in uu noqdo safiir buuxa