Itoobiya oo Isu Diyaarineysa Inay Xoog ku Gasho “Somaliland” Addunkana iska Dhega Tirto.

Reading Time: 4 minutes

Waxaa soo kordhaya cabsida uu Abiy ka qabo inay Addis Abeba gacanta ku dhigaan xoogga Mucaaridka is biirsaday  oo hadda u jira 90km, xoogagaan oo ka soo horjeeda dhaqan xumadiisa iyo xasuuqa uu u geystay dadkiisa, iyodo Musa Biixina uu wax ka raadinayo qofka noocaas ah.

Abiy oo raadinaya inuu dadkiisa ka weeciyo fahamka dhibaatooyinka  faraha badan ee haysta sida dhibaato dhaqaale, ammaan, burbur iyo macluul ayaa raba inuu Somaliya weerar ku soo qaado. Madaxda kaliteliska ah ayaa lagu yaqaan inay cadow dibbada ah abuuraan marka gudaha looga kaco Abiyna waa sidaas.

Waxaa soo baxaya inuu aaminsan yahay in haddii uu galo Somaliya ay xiisadaha ku gadaaman hogaamintiisa is badali doonaan waana sida uu hadda sameynayo R/Wasaarada Isra’iil  Natenyahu oo u arka gumaadka Falastiiniyiinta inuu yahay waxa  kaliya uu ku sii haysan karo hoggaanka Isra’iil.

Sidoo kale Abiy ayaa saraakiil reer Isra’iil ahi kula  taliyeen inuu dadkiisa cadow dibadda ah u abuuro  sida isagoo weeraraya waddamada deriska ah sida Erateriya oo uu ka soo cabsaday, Jibuuti oo iyadana ay ku yaaallin Saldhigyo milateri oo ay galbeedka iyo Shinaha leeyihiin, markaas cidda kaliya ee u hartay ayaa noqotay Somaliya, iyadana u ka abbaaro halka ay jilcan tahay oo ah hoggaanka Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo 80 jir aan cid ka dhimataa iyo mid u dhalataa dadkiisa kala jecla waayo haddii Abiy yahay ruux ummad iyo dal ka naxayaa  ma gumaadeen Qowmiyadaha Amxaarada, Tigraay iyo Oromo ee dalkiisa ah.

Dadka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay ku waana qaataan ninka dadkiisa sidaan u galay inuusan adiga kuu tureyn. Haddii berri uu yiraahdo intaan waa goosayanayaa oo ay Somaliland is waasho ama uu yimaado ruux  Muuse ka wanaagsan oo dadkiisa u naxaya waxaa la ina marsiinayaa meel ka xun Tigray iyo Amxaaro, waxaana Hargeysa, Burco iyo Boorama loo ekeysiinayaa Maqalle iyo Bahir Dar oo maanta u eg Gaza.

Heshiiska Khaldan maxaa Somaliland ka soo gaari kara:

  1. In Itoobiya Xoog ku gasho oo qeyb weyn oo dhulka lay naga goosato sida Hawd iyo Reserve area, gaar ahaan Galbeedka oo toos Itoobiya loogu daro si ay u hesho marin amaan ah oo iyagu leeyihin si Lughaya iyo Saylac loo gaaro.
  2. In Aqoonsi iwm la mid ah aan cidi isku soo qaadin waayo xaaladdu waa ka gudbeysaa heerkaas dooddu waxay noqoneysaa dhulkaan anigaa leh iyo ma lihid oo heshiis ayaad ku gashay inaan qaadanayo mana ka baxayo.
  3. In dhamaan degaanada Somaliland ay hadda ku fadhido la Orameeyo oo toos loogu daro Itoobiya mustaqbalka fog ee aan maanta muuqanin laakiin la iska qaban karo lagana hortagi karo.
  4. In shabaab, Daacish iyo Xuuthiyiintaba ay Somaliland yool u noqoto maalmo

dhow waayo Itoobiya iyada ayaaba ku beereysa dhulkaas si ay u tiraahdo aniga amaankeyga ayaa ku jira inaan dhulkaan haysto sida hadda GAZA ka jirtaa oo kale oo inta Xamas lagu beeray maantana la leeyahay waa inay dhulkaan ka guuran reer Falastiin oo Hargeysa iyo Gabiley waxay halis ku yihiin Killilka marka waa in aan aniga gacanta ku hayaa.

Isku soo duub Itoobiya waxa ka go’aan inay Khasab ku gasho Somaliland loona kala qeybiyo bari iyo Galbeed oo galbeedka toos Itobiya la raaciyo, haddii aan iswaallo haddii aan Somalida Jamhuuriyadda mnahayna ,sidii Tigraay ama Amxaaro ka xun naloo galo, gaar ahaan gobolada waqooyi.

Talada Maanta aan ku khasban nahay oo aan jeceyl iyo ficiltan midna ahayn waa:

  1. In Golayaasha Somaliland ka dhisan ay tuuran MOU oo yasna oggolaan in Hanti Ma guurto ah lagu badesho hanti guurto ah oo berri baabi’I karta.
  2. Inay Xukuumadda Somaliland si cad uga noqoto heshiiskaas oo ay dunida u muujiso inuusan u daneyneyn dadkiida, waayo dhul laguma badaln karo hanti berri baabi’I karta sida Isgaarsiinta oo maalinba laga sii guurayo iyo Shirkad  dayuuradeed oo ay kuwa maal badani kaceen ay berriba kici karta ama si caqli ah,  waa sida galbeed la sameeyee,  inta la kiciyo magac kale lagu diiwaan geliyo halkaasn ay waayaan saamiyada dhalantedka ah ee hada loo ballan qaaday.
  3. In hogaamiyaayaasha So maliland Walaalahooda koofureed si run ah, daacad ah, oo caddaalad ay wax ula qeybsadaan oo ay xataa hogaamiyaan JFS oo aan cidi ka xigin halka ay uga carari lahaayeen. Miisaanka ayey noqon karaan oo labada qabiil ee hadda ku tartarma talada dalka ayey seedexeyn karaan oo mar waliba dhinaca ay jiraan ayey awoodda jireysaa.

Guntii iyo gabagabii waxay tahay Somaliland maanta dan ma aha inay heshiiskaas ku khaldanto oo aydhaqan geliyaan siyaasad ahaan, iyo mustaqbal ahaan ee maqaawirta Somaliland dib ha u fiirsadaan intaan middi caloshooda ku tagin oo aysan Tigraay yo Amxaaro la mid noqon.

Makelle iyo Bahir Dar  Caasimadaha Tigray iyo Amxarada Maanta iyo Shalay.