Itoobiya oo Dhex Dhexadineysa Somaliland Iyo Puntland&Cabdi Wali Gaas oo Looga Yeeray Adis Ababa

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay u yeertay Madaxweynayaasha Soomaaliland iyo Puntland si xal looga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan gobalka Sool.

Itoobiya aya labada madaxweyne  ka dalbatay in ay soo gaaraan magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya iyadoona madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ay shalay gaareen caasimada dalkaasi ee adis ababa.

Magaalada Garowe ayaa la sheegayaa in ay maalinta biri ah ay ka bixi doonaan wafdi ka socda Puntland kuwaas oo gaari doona Dalka Itoobiya, waxaana hogaamin doona madaxweyne Gaas.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka qayb galaya Shirka dhameestirka heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug