Itoobiya oo culays saarayso Axmad M. iyo Shaqadii u horeysay oo lagu fuliyay C/rashiid Janan (Xog)

Reading Time: 3 minutes

Waxaa dhowr maalmood ka hor ka soo goostay Dowlad Goboleedka Jubbaland Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland C/Rashid Janan. Ka soo goosiga Wasiirka ayaa waxa ay ku soo aaday labo asbuuc ka dib  markii Magaalada Muqadishu ay si qarsoodi ah ku  yimaadeen saraakiil ka socotay Sirdoonka Ciidanka Itoobiya, Saraakiishaan waxaa hogaaminayay Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Difaaca Itoobiya. Gen. Xasan Ibrahim.

Saraakiishaan ayaa waxa ay kulumo  dhowr maalmood qaatay  la yeesheen Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yasin. Kulamadaas oo ka dhacay hooyga MW Farmaajo ayaa arimaha looga hadlay waxa ay salka ku hayeen sidii looga taqalusi lahaa madaxda Dowlad Goboleedyada gaar haan Axmad Madoobe iyo Axmad Ducaale Xaaf.

Maadama Itoobiya ayan ciidamo badan  ka joogin magaaladda  Kismaayo dhexdeeda kuwaas oo awood u isticmaali kara in ay ku cabsi galiyaan Madaxweyne Axmad Madoobe si uu isaga tanaasulo ayaa waxa la isla gartay in dowlada Itoobiya ay awoodeeda siyaasadeed u isticmaasho sidii garbaha looga rifi lahaa Madaxweyne Axmad Madoobe.

Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay balan qaaday in sadaxda mas’uul ee ugu dhaw-dhaw Madaxweyne Axamed Madoobe mid mid looga kaxeeyn doono inta aan la gaarin bisha Juulaay. Sadaxda Mas’uul oo garbaha u ah Axmad Madoobo ee diiraada la saarayo ayaa kala ah:

1) Wasiirka Aminga Cabdirasahiid Janan oo ka soo jeeda beesha Mariixaan isla markaan gacanta ku hayo degaanada luuq iyo dooloow ee xuduuda la ah dalka Itoobiya. Sirdoonka Itoobiya ayaa maalintii jimcaha ee bisha Juun ahayd 14ka waxa ay  qadka taleefanka kula hadleen Wasiir Cabdirashiid Janan. Wasiirka  ayaa loo sheegay in maalinta Axada Bisha Juun ay tahay 17ka ay saraakiil ka socoto Itoobiya kula kulmi doonto Magaalada Kismaayo. MOL uma suuragalin in ay xaqiijiso goobta kulanka ka dhacy laakiin kulan ayaa lala qaatay Wasiir Cabdirashiid.

Xubnihii ka socday Dowlada Itoobiya oo ahaa Somali-Itoobiyaan ayaa u sheegay in uu sida ugu dhaqasiyaha badan leh uga soo baxo Jubbaland, hadii uu diidana uusan imaan karin Deeganka Luuq iyo Dooloow. Waxaa kale oo la xasuusiyay  shaqooyin ay horay sirdoonka Itoobiya ugu qabteen Wasiirka xiligii uu madaxda ka ahaa degaanada Dooloow iyo Luuq.

Dhowrkii maalin ee ku xigatay waxa Wasiir Cabdirashiid qadka taleefanka kula soo hadlayay Fahad Yasin oo inta badan uu la joogay Cabdiraxmaan Dheere. Labo habeen ka kor inta uusan ka soo bixin Kismaayo waxaa mudo 17 daqiiqo ah qadka taleefanka kula hadlay Farmaajo oo balan qaaday in la fulin doono balamaha ay horay u balan qaadeen Fahad Yasin iyo Xasan Kheyre.  Galabtii Cabdirashiid uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqadishu waxaa soo wacay oo u hambalyeeyay Xasan Kheyre isaga oo mark kale ku celiyay in dowlada Fedaraalka ay oofin  doonto dhamaan balamihii loo qaaday.

2) Qofka labaad ee xooga la saarayo in uu dhawaan ka soo baxsado Axmad Madoobe waa Taliyaha Ciidanka NISA ee Jubbaland Gaashanle Sare Khaalid Shiikh Cabdullaaahi. Taliyaha ayaa ah qof ehel hoose la ah Madaxweyne Axmad Madoobe, laakiin waa nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Itoobiya mudo badan la shaqaysan jiray Sirdoonka Itoobiya.

Khaalid oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaan la ogayn in  uu aqbali doono culays ay soo saartay dowlada Itoobiya.

3)Qofka Sadaxaad waa Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jubbaland  Maxamed Warsame Faarax (Darwiish). Wasiirka ayaa Sirdoonka dalka Itoobiya ay kula kulmeen dalka Kenya dabayaqadii bishii Abril ee sanadkaan iyada oo loo sheegay danaha guud ee dowlada Itoobiya ka leedahay Jubbaland. Wasiir Darwiish ayaa u muuqda mid aqbalay codsiga kaga yimid dowlada Itoobiya laakiin waxa uu raadinayaa waqtiga ugu fiican ee uu talabaadaa qaadi karo.

Dhanka kale waxa wasiir Darwiish dhowr mar la soo hadlay Xasan Kheyre kaas oo u balan qaaday in laga siin doono dowlada dhexe xubin Wasiirnimo hadii uu ka soo go Axmad Madoobe.  Inkastoo aan la ogayn talaabada uu qaadi doono Wasiir Darwiish hadana waxa culays wayn soo saaray dowlada Itoobiya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya oo ku abuurtay cabsi noloshiisa ah.

Sida aad ka dheehan kartaan dowlada Itoobiya oo taabagalinaysa codsigii Farmaajo aya waxa ay bilaawday dhaqan galinta qaab cusub oo Jubbaland looga abuurayo carqaladayn siyaasadeed taas oo la doonayo in Axamad Madoobe lagu qasbo in uu tanaasulo inta aan la gaarin doorashada lagu wado in ay bisha Agoosto ka dhacdo Jubbaland.

Waxaan shaki ku jiran in shaqada ay dowlada Itoobiya u qabanayso Farmaajo ay ku badasheen dano u gaar ah oo ay dowlada Itoobiya ka leedahay dalka Soomaaliya.  Danahaan ayaa ah kuwa intooda badan la xiriirta bixinta Kheyraadka dalka Soomaaliya. Su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay Farmaajo ma ku guuleysanayaa in uu ka taabagaliyo Jubbaland aragtidiisa ah in uu degaankaas u dhiibto kooxo ka shaqeeya danahiisa gaarka ah.

Sida ay MOL marar badan idiin soo gudbisay, waxaa lacago malaayiin doollar ah uu geynayay Fahad Yasin dalka Itoobiya taasoo ah heshiiska uu la soo galay sirdoonka Itoobiya sidii gacanta Farmajo loo soo gelin lahaa Jubbaland si doorashada soo socoto uu xilka u qabto shaqsiga uu rabo Farmajo sidii hore uga dhacday magaalada Baydhabo bishii Disember ee sanadkii hore 2018.