Itoobiya iyo shirkadda DP World oo kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor

Reading Time: < 1 minute
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa shalay magaalada Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya.
Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan, iyadoo wajigii kowaad ee mashruucu dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed.
May be an image of road and sky