Itoobiya Dhexdhexaadin Uma Baahna ee waa Iska dhicis. Jen. Obasanjo Maya!!

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynihii hore ee Nayjeriya Olusegun Obasanjo ayaa Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) uu dadaal wada xaajood ah ugu diray gardarrada Itoobiya ay ku dooneyso dhulkeena. Obasanjo Biafran makala goyn karto Nayjeeriya, Laakiin beesha Dhexe ee Somaliland waa kala goyn kartaa Somaliya laga yeeli maayo.

Dhab ahaan arrinkaan uma muuqdo mid ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) fahmeen ama way isa dhaga marsiinayaan. Ma jirto meel ay ku taallo ku qabso oo ku qadi meysid in dhexdhexaadin laga galo.

Dhinaca kale Jen. Obasanjo maaha ruux dhexdhexaad ka noqon kara ariinkaan waxaanu jeebka ugu jiraa RW Itoobiy Abiy Axmed waana igu shubo, mar hore ayuu ka hadlay doonista goonni isu taagga Beesha dhexe ee Somalia qeybtii ugu Ingiriiska Gumeystay.

Arrintan ayaa lagu macneeyay mid looga hortagayo xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in ay u gudbaan gacan ka hadal. Arrinkan xiisad maaha ee waa gef iyo gardarro caddaan oo uu Abiy rabo inuu dhibaatooyina dalkiisa mu maareeyo una abuuro cadow dibadda ah si uu uga jeediyo laynta iyo gumaadka Amxaarada, Tigray iyo Oromada.

Ergeyga cusub ayaa dadaal ku bixin doona sidii loo dejin lahaa xiisadda taagan oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal culus, wallow ay dowladda federaalka horey u cadeysay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Heshiiskan oo meel adag iska taagtay Soomaaliya, ayna sidoo kale si weyn u cambaareysay dunida ayaa waxa uu Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho qeybo kamid ah biyaha  iyo dhulka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo burisay heshiiskan, kadib markii ay ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay u difaacdo dhulkeeda.

Si kastaba, Olusegun Obasanjo ayaa wajahaya howl adag, iyada oo labada dal ay ku howlan yihiin soo jiidashada dunida, islamarkaana ay Soomaaliya illaa hadda ay uga gacan sareyso Itoobiya dhanka diblumaasiyadda, iyadoo heshay taageero ballaaran.

Dhexdhexaadintan la soo hadal qaaday waxay khald ku tahay:

  1. Itoobiya oo damceedii dhuleed ee Somaliya sii waddo.
  2. R/Wasaaraha Itoobiya oo Raba inuu geyiga colaad cusub ka abuuro si uu dadkiisa u marin habaabiyo.
  3. Madaxweyne Obasanjo oo ay fari ku godan tahay waayo waxaa uu aaminsan yahay waxa ka muuqdo muuqaalkan hoose, mana ku kalsoonaan karaan Shacbiga Somaliyeed ilaa uu hadalkaas ka noqdo, madaxda Somaliyeedna waxaa uu gelinyaa ciriiri haddii ay la kulmaan.

Somaliya waa dal dimoqraadi ah oo iyadoo xaaladdaas adag ku jirta waxaa is badalay ilaa afar madaxdweyne inkastoo MW Xasan sheekh laba jeer soo qabtay hogaanka dalka. Dunida Galbeedka waxaa waajib ku ah inay garab istaagto dimoqraadiyaddan koreysa oo ay dadku dowladooda soo dooranayaan, rabtna inay dunida nabad kula noolaato, iyadana nabad ku wada noolaato. Halkaan ka daawo Jen. Obasanjo