Kheyre oo sameeyay Ballanqaad u eg midkii Farmaajo ee 2017.

Reading Time: 2 minutes

Runtii aad ayaa loola yaabay markii la dhageystay khudbadii uu isku sharraxayey ee uu xildhibaanadda u jediyey Xasan Cali Kheyre.

Ballanqaadyadii uu Sameeyey Farmajo doorashadii lagu hungoobay ee 2016,islam markaana ahaa barnaamijka xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ayuu maanta ku celiyey kheyre isagoo meelo ka habeeyey.

Guriga ay shabaab dumiyaan waan u dhiseynaa shacabka,  ciddii soo sheegta argagixisada boqol kun ayaan siineynaa, jid dambe lama xerayo, shabaab waa ciribtireynaa muddo laba sano ah iyo kuwa kale oo badan waxay ahaayeen ballanqaadayadii uu Xasan kheyre ku aqbaly R/Wasaarenimada inuu u fuliyo madaxweynenihiisa. Hasa yeshee hal qodob kama fulinin Kheyre iyo Farmajo markaas ayuu haddana waxaa uu maanta soo texay ballanqaadyo kuwii ka culus, ka adag kana hawl badan. Haddii sedex sano iyo bar uu ku fulin waayey hal ballanqaad ma iyadoo lix bilood loogu daray oo weliba uusan isaga ahayn cidda fulineysaa ayuu ka rumeynayaa.

Runtii waa gef iyo ihaano uu xildhibaamada u geystay kheyre. Dad la hadlay oo rajo ka qabay waxaa uu ku yiri kheyre “ciyaalkaan meesha la isu soo ururiyey oo uu ula jeedo xildhibaanada ma fahmi karaan waxaan  iyo waxa ka suuragal ah,” waxaana uu u sheegay wax aysan weligood ku riyoon Somaliyana aan ka suuragalin weligeed sida in qofka caafimaadkiisa iyo kan reerkiisa la ceymoyo. Sidoo kale waxaa uu yiri “waxay ku indho sarcaadi doonaan maqalka in gunnooyin loo kordhinayo, iyadoo la is weydiin sida ay ku imaneyso.

Barnaamijyada uu ballan qaaday dhamaantood waxay u baahan yihiin lacag aad u badan, mana sheegin halka ay lacagtaas ka imaneyso. Mudane Xildhibaan waa sida adigoo hadda xaaskaaga ama odaygaaga u sheegay inaad guri 20 dabaq ah aad dhisan doontaan adinkoon meelna ka sugeyn lacag  cusub oo idin timaado. Isbadalka miisaaniyadda waa in dakhli dheeraad ah uu dalka soo galaa, isagaana sheegayey in deyn lagu leeyahay.

Kheyre iyo Farmajo waxay is moodsiiyen aqbalaaddii Farmajo laga aqblay beentii uu ku hoday balamankii 10aad, halka Kheyre cidda uu ballanqaadka beenta u sameeyey waa adinka ee haku sirmina.

Horey ayuu farmaajo u yiri “haddii aan fulin waayo ballanqaadka baabuurtii qufulneyd ee Amisom ayaa gadaal ka galayaa?”, maxaa dhacay inuu sannad ku darsado welina musharax uu yahay, sidoo kale  kheyre damaciisa kama duwana waana in sidaas loo fahmaa oo aysan xildhibaannada ku khaldamin dhanxiirka aan shaaribaha lahayn.