Istaratejiyada Cusub ee Villa Somaliya oo Durbaba Bilaabatay.

Reading Time: 3 minutes

Waxaa bilaabatay dhaqangelinta istartejiyadii cusbeyd ee Villa Somalioa, waxaana durba Xamar agagaarkeeda looga dhaqaaqay in la khaarijiyo eragadii soo xushay xildhibaanada sannadkii 2016 si beesha uu ka soo jeeday loogu soo xulo ergo la hubo inay leedahay N&N oo keenaya xildhibaanka ay farta ugu fiiqaan.

Labada qof ayaa magaalada Muqdisho lagu toogtay, iyadoo ay bilaabatay dhaqangelinta siyaasadda istartejiyada cusub ee Villa Somaliya oo ah Khaarijin, argaagixin iyo cabsi gelin si dadka aysan maranaba awood ugu yeelan inay ka fekeraan dhibkii soo maray afar sano oo ay NN ku hoos jireen.

Laakiin waxay NN halmaansan tahay in shacbiga Somaliyeed ay adkeysi badan yihiin, laakiin ay  iska xayuubin yaqaannaan xukun Faasid ah oo kalitalisnimo u socda sida NN.

Waa dhab inay iska caado noqotay in shabaab ay sheegtaan ama loo saariyo haddii waxar dhiig laga keeno taas oo ay u haystaan mid Sharaf u yeeleysa diinta Islaamka oo ku gabbanayaan  si ay u muujiyaan inay joogaan.

Labada qof ee sida xaqdarrada ah nafta looga qaaday waxay kala ahaayeen  sarkaal ka tirsan ciidanka NISA, qofka kalana waxaa uu ahaa oday kamid ahaa ergadii doorashada ee xildhibaanada K/Galbeed soo xulay. Sarkaalkaalka NISA ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Maxamed Isxaaq, Waxaanu ahaa shakhsi caan ka ahaa degmada  Wadajir ee lagu dilay.Waxaa isna  degaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay Maxamed Aadan Sagaaroow, oo kamid ahaa ergadii soo dhisay maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Dhacdooyinkan ma aha kuwa aan la fileyn in ay si dhakhsa ah u dhaqangeli doonaan maadaama la ogaaday istarateejiyada cusub ee Villada oo ah mid ku dhisan Aragagixin, Cabsigelin, iyo Khaarijin.

Waxaa kaloo ka socda in ganacsatada Xamar hadda lagu handado in lagu darayo liiska UNka ee maalgelinta argagixisada. Waxaa horay loo soo xeray reer Cumar Caddaan oo lagu eedeynayo inay shabaabka taageersan yihiin, iyagoon wax maxkamad ahi aysan ku caddeyn dembigaas. Ganacsadae  Xaaji Abukar Cumar Caddaan waa 90 jir dhulyaal ah oo ah , xanuunsan joogana da’adii dowladdiisa ay daryeeli lahayd ee ma joogo da’adii la dandarreyn lahaa la iskana xeran lahaa iyadoon maxkamad la horgeyn.

Waxaa intaas ka sii daran in aysan dowladda NN ogoleyn in la sheego ama  la baahiyo xadgudubyada awoodda dowladeed loo adeegsanayo oo waxaa habeen bar gurigiisa lagu jebiyey wariye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo ah Wariyihii KNN ee wareystay Xaaji Abukar. Wariyaha oo caruur isuma qadda ah oo uu hooyo iyo aabbo u yahay dhexjiifay ayaa waxaa si arxan darran ah guriga  ugu soo jebiyey ciidan ku hubeysan hubka noocyadiisa ugu dambeeyey. Ujeedada soo xerin kaliya ma ahayn ee waxaa la rabay in la argagixiyo caruurtii iyo deriska, casharna loogu dhigo cidkasta oo dowladda wax ka sheegta.

Waxaa yaab leh maxaa Cabdullahi Kulmiye Cadow oo loo qabsaday inuu wareystay Xaaji  Abukar oo lagu eedeyey inuu taageere Shabab yahay  loo xeray haddii madaxa NISA Fahad Yasiin uu ahaa ninkii sida joogtada ah u wareysan jiray shabaabka iyo wadadaadii Xisbul Islam? Cabdullahi waa looma ooyaan dhanka Sharciga ah miyaa? Sidoo kale aaway dadkii uu ka dhashay? Caruurtii xagee lagu tuuray? Albaabkii la soo jebiyey yaa u kabay ilmaha? Yaasa waxay cunaan u doonay? Runtii MW Farmajo waxay ahayd inuu isku casilo dhacdada noocaan ah haddii uu damiir leeyahay? Laakiin uma dhalan oo kaligii taliye ma naxo oo taariikhda dib uga baar adaa helaya ruuxa uu yahaye.

Dhinaca kale, Xaaladaha noocan ah shacbiyada dunida waxgarata ma aqbalaan waxayna ahayd inay Xamar ka bilowdaan bannaanbaxyo dowladda lagu ridayo sidii wiilkii Tunisia isku gubay kadib markii loo diiday suuq uu rabay inuu warato dhigto. Dadka Tunisia waxay bilaabeen kacdoonka loo yaqaanno gugii Carabta oo galaaftay kalitayaal waaweyn sida Mubaaraka Masar, Gadafiga Liibiya, Zain Alcaabidiinkii Tunisia.

Istaratejiyadaan cusub waxay horseedi doontaa xanuun badan, tacadiyo waaweyn iyo inay galaafato naf badan oo aan waxba galabsan haddaan laga hor tagin oo aan la iska qaban cidda rabtaa inay ku shaqeysato oo ah Villa Somaliya.

Muqdisho Online oo heshay xogta istaratejiyadda cusub ee halista ah ayaa horay  u qortay maqaal arrintaas ku saabasn