Ismaacil Cumar Geele oo dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Deni! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu magaalada Jabuuti ku martiqaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Inkastaa oo aan la shaacinin sababta rasmiga ah  ee Saciid Deni loo martiqaaday hadana warar hor dhac ayaa sheegaya in Ismaaciil Cumar Geele, oo waayahan danbe ay jirto isku soo dhawaansho u dhaxeeysa isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan taageerada Farmaajo ee uu siiyay Jabuuti dhanka ku loolanka kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka, ayaa u muuqada in uu dharka u dhigtay sidii uu Farmaajo ugu hayn lahaa hogaanka, kuna qanci lahaa mucaaradka ka soo horjeedo in ay isaga taageeraan.

Lama oga go’aanka ka soo bixi doono kulanka labada dhinac iyo in Saciid Deni ogolaan doono in uu heshiis toos ah la galo Farmaajo, si loo soo  afjaro culayska siyaasadeed ee saaran Farmaajo.

Puntland ayaa u muuqata in ay lugaha la galayso dagaal siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Jabuuti? Waxaana shaki ku jirin in dhibaato ba’an ka soo gaari doonto Puntland.

Saciid Deni ayaa inta uu joogo Jabuuti waxaa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa taliyaha gaarka ee ciidamada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.