“Isma casilayo, Hargeysa ma tagayo, magacana SSC baa logu adeegaya” Gudd. C/ Khalif 

Reading Time: 2 minutes

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiye Cabdirisaaq Khalif  oo mudo ka badan shan bilood ka soo maqan Somaliland ayaa caqabad  iyo xujo hor leh ku noqday Dowlada Somaliland.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa asbuucaan u sheegay xildhibaano iyo wasiiro kamida golayaasha dowlada federaalka in uusan markale dib ugu noqon doonin  Somaliland isla markaana uusan iska casilaynin hogaanka Golaha Wakiilada Somaliland.

Go’aankaan siyaasadeeysan ee uu qaatay Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa ah mid dhabar jab xoog leh ku noqday hogaanka iyo mucaaradka dalka la magac baxay Somaliland.

Guroormiyaga oo istcimalaya magaca uu ku matalo Somaliland ee ah Gudoopmiyaha Golaha Wakiilada ayaa beesha Caalamka, dowlada Federaalka  iyo wadamada Dariska la ah Soomaluya kula xaaajooda, laguna qaabilaa.

Waxa uu gudoomiyuhu ku guuleysaty inuu si hufan u iibiyo qadiyada shacabka SSC-Khaatumo. Magaca Gudoomiyaha ayaana fursada u siiyay in uu xiriir caalamai ah la sameeyo beesha Caalamka iyo wadamada xiiseeya arimaha Soomaaliya.

Dowlada Somaliland ayaa xaraj ku jirta, hadii ay Gudoomiye  Cabdirisaaq  ka saaraan golaha wakiilada , jagada gudoomiyahana ka qaadaan , waxaa sii fogaaneysa xal u helida Laascaanood, sababtoo ah waxaa Somaliland noqonaysaa mid ay beel kaliya degto.

Hadii lagu siihayo jagadana  waxa uu dhaawac xoogan uu gaarsiinayaa qadiyada iyo danaha Somaliland. Waxaa muuqata inay sii fogaatay rajadii laga qabay in beesha Dhulbahante ay  dib ugu soo noqoto Somaliland.

Dhanka kale Xisbiga Wadani ee uu Gudoomiyahu ka tirsanaa ayaa iyagana noqday kuwa ay ka dhaamaday fakarka siyaasadeed. Ma hayaan caqli ay ku soo celiyaan Gudoomiye Cabdirisaaq? Hadii uu sii maqnaadana waxa uu dhaawacayaa qadiyada Somaliland?  Gudoomiye Cabdiraxman Ciro ee Xisbiga Wadani  kuma qancin karo Gudoomiye Cabdirisaaq inuu ku soo noqodo Somaliland.