Islow oo markii Saddexaad loo doortay Xildhibaan

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa wali wadda shihaado siinta Musharaxiinta kuraastii ugu dambeysay ee golaha Shacabka ee ku hartay magaalada Jowhar.

Guddiga ayaa shalay iyo maanta siiyay Shihaada labo kursi kuwaasoo mid ka mid ah caawa lagu qabtay doorashadiisa

Kursiga 141 ayaa caawa doorashadiisa ay ka dhacday magaalada Jowhar, waxaa ku tartamay.

  1. Mohamed Abukar Islow
  2. Abdullahi Nur Mohamed

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa mar kale ku soo baxay doorashada Kursiga #HOP141 oo uu horay ugu fadhiyay.

Waa markii Saddexaad oo loo doorto xildhibaan.