Isku-shaandheeyn lagu sameeyay Maamulka gobolka Sh/dhexe

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hir-Shabeelle ayaa isbedel ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay Guddoomiye ku xigeenada Gobolka,waxaana sidoo kale uu Magacaabay Xoghayaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.