Isku Duubnida Shacbiga iyo Dowladda waa Jabka Khawaarijta iyo inta La jaalka ah.

Reading Time: 3 minutes

Hogaaminta  iyo geesinimda ku dhaca leh ee MW Xasan Sheekh Maxamuud waxay dhashay in maanta madax iyo shacab la isku duuban yahay,  loona wada jihaystay in la iska dulqaado heyryada ceebeed ee qarnigaan 21aad oo dunida ay dayaxa haysatay annaga weli na dul saaran.

Dadka Somaliyeed waa dad aad u wanaagsan waxa kaliya oo ay u baahan yihiin waa hogaan daacad ah oo ay aamini karaan, maanta ayeyn au muuqataa inay heleen. Dhaliilo kacaa kuf waa jirayaan,  laakiin guusha nagama horjoogsan karaan mar haddaan soo jeesannay, waasa na daahin karaa dhaliilahaas maalin iyo laba.

Waligeed waa jireen kuwa dulleysan oo calooshooda iyo cunahooda ku caqli fac, waana kuwa hadda raba inay ka dhex kalluumeystaan wiislasha dhimanaya ee dhiig baxaya, kana sameeya dhibco siyaasadeed. Waa kuwa buunbuuninaya gefafka dagaalka oo la hubo inay ka dhacayaan ciidan walba iyo cidda hogaamisaa marka qoriga amaanka loo furo, xabbaduna ay dhookaanto.

Waxaa muuqata in dadka iimaanka iyo sharafka u saaxiib ah ay dowladda iyo madaxdweynaha ku taageereen dagaalka iyo hogaaminta hagaagsan ee waqtigaan uu sugan yahay, waxaanad arkeysaa madaxdii hore oo si aan kala har lahayn uu taageeray hogaaminta MW Xasan sheekh  iyo Ciidamada sooma jeestayaasha ah ee XDS iyo Shacabka la dagaal galaya.

Runtii nin rag ahi libin lagama xasdo Senetor Cisman Dubbe ayaa si waddanimo iyo qiiro qalbiga ka soo go’aday u taageeray dagaalka iyo hogaaminta MW Xasan Sheekh, inta aysan cid kale ku dhiiirran Karin waxayna alabaabada u furtay in ay madaxda maankooda feyow yahay ay si aan kala har lahyn u taageeraan MW iyo Ciidamada.

RW hore ee dalka ahaana MW Puntland Dr Cali Cali Gaas iyo RW/Ku/Xigeenkii hore ee dowladii Farmajo, haddana ah Xildhibaan Mudane Mahdli Guuleed ayaa waxay jeediyeen haddallo qiiro leh oo taabana qalbiyada waddaniyiinta iyo kuwa dib u socodka ah ee dulleysan.

Qalbiga Waddaniga waxay u taabanayaan  erayadaan waa hadal uu ku farxayo, kuna dhiiriigelinaya inuu bixiyo wax Alla wixii uu kari karo ee af iyo addinba ah ee dagaalka lagu taageerayo, dib u socodkana waxay haddallada ay Jeediyeen Sen.Dubbe, Xildh. Mahdi iyo RW hore Dr. Gaas ku yihiin fallaar wadnaha ugu dhacday.

Waa jiraan madax si maldahan wax u soo qor qoray balse ka gaabiyey inay si buuxda u taageeraan jihada dagaalka u socdo oo ah guul ama geeri, iyo hogaanka dalka ee dhiggiisa diyaarka la ah, kana guuray Meesha ugu sharafta badan JFS oo ah madaxtooyada qaranka. Kooxdaan waxay haddallo ha lagaa sheego ah ku soo tuur tureen baraha bulshada iyagoo  ku raaxeysanaya hoteello  shisheeye oo ay dhisteen, ilaashadeen, xoreysteen kadibna nabad gashadeen kuwa iyaga la mid ah.

Dad dhowr ah oo haddaba dowladda ku jira ayaa qaba in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ay isbadallo ku sameeyaan wasiirro iyo Madaxd kale, hasa yeeshee waxaa dadkaas inta badan ka maqan maanta ma ahan maalin wax la kala badalo ee waa maalin garbaha la is qabsado lana sameeyo dadaal kasta oo kala daadasho lagu ilaalin karo,  waxaana MW Jamhuuriyadda oo cid kasta oo la hadashaa uu u sheega “ Walaal ila qabo hawsha hadda I hortaalla oo aan sannad ka hor kaalmo kaa weydiistay, taas oo ah inaan dalkaan ka xoreeyo khawaarijka muddada dheer na dul saarneyd”

Runtii dib u dhageyso hadalkii qiirada lahaa MW Xasan Sheekh ee uu nooga dalbanayey inaan u hiillinno, maanta wuxuu joogaa meel looga hiillin karo ee aynu u hillino waa 70 jir tuutaha u xertay inuu gobanimmo ku noolaado ama geeri ka doorto gumeysiga khawaarijta. Isku Duubnida Shacbiga iyo Dowladda waa Jabka Khawaarijta iyo inta La jaalka ah.