Isku dhaca W/Dowlaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo meel xun gaaray (Akhriso Caddeyn)

Tan iyo markii uu u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS Cabdulqaadir Sheekh Axmed Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya aay ku leedahay dalka Qatar Cabdixakiin Nuur Axmed oo uu dhalay Fahad Yasin Abtigiis isagoo aan ogeysiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa labada masuul soo kala dhex galay muran siyaasadeed aay isku hayaan awoodda Wasaaradda.

Wasiiru Dowlaha oo bilaabay in uu tahriibiyo lacagna ka qaato dhalinyaro badan oo loo sameeyo visaha dal ku galka dalalka aay ka mid yihiin Turkiga, Shiinaha, Talyaaniga iyadoo dhalinyarada laga qaado lacag dhan $10 kun ilaa $25 kun oo dollar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo saaray wareegto kale oo uu ka mamnuucayo Wasiiru Dowlaha iyo dhammaan saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda in aanay qori karin warqad danbe oo lagu dalbanayo dal ku gal iyo warqadaha codsashada ka qeyb gal shirar iyo siminaaro aanay qori karin iyadoo aanan ogolaansho laga heysan wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.

Warqaddan ayaa ka careysiisay Wasiiru Dowlaha wuxuuna dacwad ugu tagay MW Farmaajo. Lama oga tallaabada uu qaadi doono MW Farmaajo iyo haddii uu ogolaan doono in la hirgeliyo wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibadda warqad kale oo ashtako ah u diray RW Kheyre taasoo ka danbeysay cabasho ka timid dowladda Shiinaha oo deeq waxbarasho oo aay siisay Soomaaliya lagu iibinaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Cawad oo soo saaray amar uu shaqada uga joojiyay Wasiiru Dowlaha Wasaarada (Aqriso)

Xayeeysiin