Iska horimaad maleeshiyo beeleed oo ka dhacay duleedka magalaada Sanguuni

Reading Time: < 1 minute

Iska horimaad u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay in saakay uu  ka dhacay duleedka magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka fudud.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa in   ka dhacay deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi badana ay ku dhaawacmeen.  Dagaal beeloodkaan ayaa in mudo ah ku soo noq-noqonayay degaankaas kaas oo u dhaxeeya labo beelood oo wada dega deekaankaas. Maamulka Jubbaland ayaa in mudo ah ku mashquulsanaa sidii loo soo afjari lahaa colaada labada beelood.