Sida ay shegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq, maleeshiyaad kamid ah maleeshiyaadka deegaannada SSC ayaa qabsaday deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.
Ciidamada ayaa calanka maamulka Somaliland ka dajiyay kantaroolka Tukaraq, iyagoo suray calanka Qarankeenna Soomaaliya iyo kan bulshada SSC. Talabada ay Maleshiyaadkaan qaadeen ayaa ku soo beegamaya iyada oo shirkii aayo ka talinta SSC uu ka bilaawday magaaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa 2018kii ka qabsatay Puntland deegaanka Tukaraq, waxaana ka dhacay deegaannada dagaalo culus oo maalmo socday, kuwaas oo ay Puntland doonaysay inay dib ugu soo ceshato, balse uma suuragelin.
Ciidamada Somaliland ayaa tan iyo intaa wixii ka dambeeyay fariisimo ciidan oo waa weyn ka sameystay deegaanka, oo ay ka dhigteen bar xaduudeed.