Iska horimaad dad ku dhinteen ayaa ka dhacay magaalada Buur Habaka

Reading Time: < 1 minute

Wararka imaanaya degmada Buur Habaka oo ka tirsan  Gobolka Bay ayaa sheegay in in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad ka dhashay hashay maamul dhowaan loo magacaabay degmada Buurhakaba.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in  sadax qof ay ku dhimatay halka seddax kalana ay   ku dhaawacmeen.  Iska hor imaadkaas ayaa dhinacyadii ku dagaalamayay waxa ay  isticmalayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa degaanka Buurhakaba in mudo ah ka socday  muran salka kuhaya maamulka degmada ayaa waxaa haatay ku sugan Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka arimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa labo sano ka hor lagu dilay magaalada Banaankeeda gudoomiyihii hore ee degamada. Labo asbuuc ka horna labo qof ayaa  si gaadmo ah loogu dilay magaalada dhexdeeda.