Iska horimaad ciidan oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Markii labaad mudo asbuuc gudahood ah ayaa waxaa la sheegayaa in uu dagaala culus uu ka dhacay magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaa xalay ka dhacay iska hor imaad ciidan oo dhexmaray koox isku sheegto jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Col. Faysal Falaalug iyo ciimada Soomaaliland.

Dad gooboogayaal ah ayaa sheegaya in dableey ku hubaysan  hubka noocyadiisa kala duwan ay weerar ku qaadeen Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland.

Dagaalka oo aan ahayd mid toos ah hadana dadka deeganka waxa ay maqalayeen dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan oo la isku weedaarsaday goobta dagaalka. Ciidankaan ayaa la rumaysan yahay in ay taagoo ciidan iyo mid military ka hasyataan dowlada Puntland.