Xiisad dagaal oo u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan degaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn. Wararku waxay sheegayaan in iska hor imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay uu dhexmaray labada dhinac.
Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay iska hor-imaadka halka ay ku dhaawacmeen lix askari oo kale. Sidoo kale xiisadda ayaa weli ka aloosan degaanka Qararro sida ay wararkii u danbeeyay sheegayaan.