Isimadii kayimid Muqdisho oo la geeyay jiida hore ee dagaalka ciidamada SSC

Reading Time: < 1 minute

Isamadii dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maanta lageeyay jiidda dagaalka Laascaanood si ay u soo arkaan dhibaatada gaartay shacabka reer Laascaanood.

Odayaasha oo ay weheliyaan isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kormeer ku sameeyay furimaha dagaalka ee ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Ujeedka kormeerka ayaa sida la sheegayo la xiriiray in ay indhahooda ku arkaan goobaha dagaalka iyo masaafada ay isu jiraan labada ciidan ee dagaallamaya.

Odayaasha ayaa kormeerkooda kadib u sii gudbay gudaha magaalada Laascaanood si ay soo arkaan baaxadda khasaaraha gaaray magaalada gaar ahaan goobaha Somaliland duqaynaysay.

Odayaasha ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo raadinaya in nabad lagu dhameeyo colaadda Laascaanood ayaa diidma kala kulmay dhinaca Somaliland halkas oo ay rabeen in ay gudbaan.