Waxaa magaalada Hargeysa ku xayiran mudo bil ku dhaw odoyaashii dhaqanka ee ka tagay magalaada Muqdisho si ay xal uga helaan colaada ka jirta magaalada Laascaanood. Odoyaashaan oo uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Abgaal, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaan wali helin fursad ay kula kulmaan Madaxweynaha dalka la magac baxay Somaliland.
Maalintii Khamiista oo u beegnayd 18 Maajo oo ah maalintii dib-isutaaga Somaliland ayuu madaxweyne Muse Bixi ku celiceliyay in uusan marnaba joojin doonin dagaalka Laascaanood ilaa uu xaqiijiyo xuduudaha Somaliland.
Ka soo yeeray Madaxweyne Muse Bixi ayaana u muuqda mid albabaada ka soo xiray in si nabad ah lagu dhameeyo colaada ka socota Gobolka Sool.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in uu Somaliland u diray odoyaal dhaqameed soo afjara colaada ka jirta Laascaanood. Safarkii uu shalay wasiirka Isgaarsiinta ee dowlad federaalka uu ku tagay Magalaada Laascaanood ayaa keentay in dowlada Somaliland u aragto Dowlada Federaalka mid aan daacad ka ahayn nabad u raadinta dagaalka Laascaanood.
” Dowlada Muqdisho waxa ay qayb ka tahay dagaalka ka dhanka ah Somaliland, marnaba talo kuma yeelanayso geedi-socodka dowladnimada Somaliland”, sidaas waxaa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland.