Isimadda iyo Salaadiinta Puntland oo ka hadlay balanfurkii MW Farmaajo, Soomaalina u duceeyay

Reading Time: 2 minutes

Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa ah ahayd markii sida heerka sare ah loogu soo dhaweeyay MW Farmaajo degaanka Puntland. Salaantiinta  iyo shacabka Puntland oo uu hogaaminayo MW Cabdiwali Gaas ayaa MW Farmaajo siisyay soo dhaweyn qalbiga wanaag ku jirtay  isla markaana  ay ku dheehnayd  Soomalinimo.  Waxa uu isku soo baxay caruur, haween, madax salaadiin  iyo boqoro oo wadooyinka u saftay soo dhaweyntiisii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu uu joogay deeganka Puntland waxa uu dhagax dhigay mashaariic faraban, waxaana uu balan qaaday in dhamaan mashaariicdaa la fulin doono. Nasiib xumo toban bilood ka dib wax ka qabsoomay ma jiraan balanqaadkii uu u sameeyay reer Puntland. Iskaba daa balan qaad uu oofiyee waxa uu is hor istaagay taabagalinta mashaariicda ay dadka reer Puntland ayaga si gaar ah u maalgashanayeen.

Islaan Bashir Cumar ayaa sheegay  in MW Farmaajo uu isaga shaqsiyan u balan qaaday reer Puntland howlo badan, waxaana ka mid ahay dhisida Dekada Garacad. Islaanka aya sheegay in balan ka baxu yahay wax xun gaar ahaan marka aad tahay qof mas’uul oo ilaah kuugu dhiibay mas’uuliyadda.

Isimadda iyo salaanta reer Puntland oo ka yaaban beenta iyo qayaanadda MW Farmaajo ayaa u duceeyay Soomaaliya, ilaahna uga baryay in hogaan waafi ah siiyo.

Dhanka kale gabyaaga caanka ah Cumar Timajilic ayaa ku tilmaamay MW Farmaajo qof ay ku adagtahay in uu runta  sheego. Waxa uu yiri “war sidee baad umad u hogaamin kartaaa hadii munkarkii ilaah reebay aad ka dhigatay caado iyo Camal”.

Axmed Cabaas ayaa yiri “ mid baan ogahay MW Farmaajo Puntland waa ka nabad helayaa, laakiin ma hubo in Soomaalida kale qabto dulqaadka iyo heshoodka reer Puntland” wax uu intaas ku daray “ hadii Puntland wax ka sheegto MW Farmaajo walalaha aanu ehelka nahay dareen baa  galaya”.

Ex Korneel Cabdi Jamac (Abdi Dhere)  oo ka hadlaya hogaan xumidda MW Farmaajo ayaa yiri “ Soomaaliya balaayaa qoorta u gashay ee ilaah baan u baryeynaa in  uu xal deg deg ah u keeno”. Waxa uu intaas raaciyay “ war waxa aanu moodnay inta aan la dooran iyo waxa uu ku soo baxay marka uu kursiga ku fadhiistay, show waa nin miyirka  looga jiro, ilaahoow Soomaali u naxariiso”