Isimadda dhaqanka ee beesha Dhulbahante ayaa markale ku eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle in uu si toos ah qeyb uga yahay dagaalka uu maamulka Somaliland kusoo qaaday magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Garaad Cabdikariin Cali Nuur, oo kamid ah Isimadda Dhulbahante ayaa ku sheegay in Geellaha Jabuuti uu ku jiro dagaalka ka socda Laascaanood oo uusan dhexdhexaad ka noqon karin colaadda gobalka Sool.
“Ismaaciil Cumar Geelle dagaalka si bareer ah buu ugu jiraa arrintaa dhexdhexaad kama noqon karo, hubkiisii raggiisii kaartadiisii diyaaradihiisii wax basaasayay iyo khadkii telefoonada oo uu wax ugu fududeynayo intaba dagaal buu kaga jiraa” ayuu yiri Garaad Cabdikariin Cali Nuur.
Sidoo kale, Garaad Cabdikariin Cali ayaa ku eedeeyay culimada Somaliland in si qabyaaladeysan ay u taageereen xasuuqa maamulka Muuse Biixi ku hayo dadka reer Laascaanood, ayna iyagu u fatwoodaan.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay Garaad Cabdikariin, in uusan dagaalka Sool istaagi doonin ilaa maamulka Somaliland uu ciidamadiisa geeyo ‘Oog’ oo ah xaduud beeleedka labada dhinac (Dhulbahante iyo Isaaq), inta ka horeysa ayuu sheegay in aysan colaadu hakan doonin aysana joojinay xabada.