Isimadda dhaqanka SSC oo iclaamiyey wejiga labaad ee dagaalka Laascaanood

Reading Time: < 1 minute
Waxaa soo gabagaboobay diyaarinta, qalabaynta iyo aruurunta dhaqaalaha lagu kabayo ciidanka deeganada SSC iyo ciidamada gurmadka ah ee taageersan qadiyada reer Laascaanood.
Isimadda dhaqanka SSC oo ay weheliyo Duqa Degmadda laascaanood Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil Iyo Xildhibaanadda Barlamaanka kumatala SSC ayaa booqday jiida hore oo ay ku sugan yihiin ciidan uu u dhan yahay agabkooda, diyaarna u ah dagaal kama danbeeysa oo ay la galaan ciidamada ka socda Somaliland.
Hadal dar daaran oo wafdigu siiyay Ciidanka Birmadka Laascaanood oo yagleelistoodu soo dhamaatay ayaa ay kula  dardaarmeen Ciidanka Birmadka oo ka hawl gali doona guud ahaan Gobolka sool inay diyaar garowga xoojiyaan deegaanka ka sifiyaan waxa ay ugu yeereen ciidanka Jabhada SNM ee ku soo duushay dhulkooda.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa dhankiisa iclaamiyey wajiga labaad ee dagaalka Laascaanood waxa uuna yiri  “SSC-khatumo imtixaan ayey maraysaa xabbad wax aan ahayna ku saarimayno Somaliland.”