Isimada Puntland oo lawareegay hanaanka maamul ee dorashada Puntland

Reading Time: < 1 minute

Isimada dowladda Puntland  oo maanta Garoowe shir jaraaid ku qabtay  magaalada Garowe aayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba ay lawareegen hanaanka  maamul ee doorashada Puntland 2019.

Isimada ayaa sheegay in ay la kulmeen dowladda Puntland iyo Musharaxiinta ,ayna kala hadleen arimaha doorashada Puntland ku soo wajahan. Isimada ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan geedi socodka doorashada Puntaland.

Musharaxiinta utaagan doorashada ayaa maalmihii udambeeyay tabasho ka muujinayay xukuumada talada haatan haysa, iyagoona shaki galiyay kal soonida lagu qabi karo Guddigii uu magacaabay Madaxweynha Puntland C/Wali Gaas .

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland ayaa sheegay in Isimada ay isaka soo xuleen guddi gaar ah oo doorashada la socon doona inta  laga dooranayo madaxweynaha cusub. MW Gaas wali kama hadlin hadalkii maanta ka soo yeearay salaadinta iyo in uu u hogaansami go’aanadooda.