Isimada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe aya ka hor yimid nooca Doorashada ee uu ku baaqay Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni taasoo ahayd in Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhacdo Puntland Bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2024.
Lama oga sida xukuumada Puntland uga falcelin doonto baaqa Isimada.
Shirka Jaraa’id ee Isimada ayaa ku baaqay soo a saaray qodobada hoos ku qoran.
1- In doorashada Puntland xiligeeda lagu qabto 8-da Janaury 2024
2- in xildhibaanada 66-da ah ay qabiilada sooxulaan, kuwaasoo dooran doona madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.