Isimada Puntland oo ka codsaday MW Deni inuu ka laabto warqadii soo xirista siyaasiyiin mucaaradka

Reading Time: < 1 minute

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa maanta oo Isniin ah ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka.

Warqad rasmi ah oo uu qoray xeer ilaaliyaha guud Axmed Taaran ayuu ku caddeeyay in uu ka laabtay dacwaddii soo xirista siyaasiyiinta kala ah; Maxamuud Shiddo, Xasan Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Maxamed Leysar.

Isimada dhexdhexaadinayay khalalaasaha ka dhashay qabashada doorashada Puntland ayaa ka codsaday Madaxweyne Deni inuu ka noqdo warqadii lagu sii xiraayay qaar kamida siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dhank kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in warqadda dacwad kala laabashada siyaasiyiintan ay ka danbaysay kadib markii isfaham laga gaaray xiisaddii la xiriirtay doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagnayd Garoowe.