Isimada Puntland oo go’aamiyay in ilmo Diyaano loo daayo hay’adda PSF, amar culusna dul-dhigay MW Deni

Reading Time: < 1 minute

Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa Caawa go’aanno ka soo saaray xallinta murankii u dhexeeyay dowladda iyo PSF. Qoraal ka kooban lix Qodob, oo ka soo baxay Isimada ayaa lagu go’aamiyay in Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hay’adda PSF, lana heshiisiiyo isaga iyo dowladda Puntland.

Isimada oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda Puntland ka laabato Heshiiskii Dekedda Boosaaso ee DP World. Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.

Talaabada ay qaadeen Isimada ayaa dhaawac siyaasadeed gaarsiisay Madaxweyne Deni iyaga oo si toos ah ula saftay Ilmo Diyaano. Maadaama Saciid Deni ogolaaday go’aanka dhaqanka, ma jirto fursada uu uga horyimaado  ama uu ku diido go’aanka ay caawa gaareen Isimada Puntland.

Halkaan ka akhriso Qoraalka