Isimada Puntland oo Garowe uga shiraya xal-u-helida khilaafka Puntland

Reading Time: < 1 minute

Wefdi uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Islaan Bashiir iyo wefdigiisa oo ka soo kicitimay Gaalkacyo ayaa qayb ka noqonaya shir lagu ballansan yahay in isimada Puntland ku yeeshaan Garoowe si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka.

Isimada kale ayaa dhankooda lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Garoowe si ay u bilaabaan dadaallada xal raadinta ee lagu dhammaynayo is mari-waaga ka dhex taagan dowladda iyo mucaaradka.

Wefdi ay hoggaaminayaan Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale maanta ku wajahan Garoowe waxaana la filayaa in ay qayb ka noqdaan xal u raadinta khilaafaadka siyaasadeed ee xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradsan.