Isimada Puntland oo Bayaan culus kasoo saarey Doorashada Puntland [Daawo]

Reading Time: < 1 minute

Odayaasha dhaqanka ee Puntland oo kulan guud isugu yimid maanta oo Isniin ah, waxa ay kasoo saareen shirkooda bayaan ka koobnaa 4 qodob oo ku saabsan doorashooyinka maamul goboleedkaan.

Doorashada Madaxtinimada Puntland oo loo balansan yahay inay qabsoonto 8-da bisha January 2019 ayay Isimada ugu baaqeen dhinacyada ay taabaneyso inay ka shaqeeyaan sidii ay unoqon lahayd mid daah-furan oo xalaal ah.

Murashaxiinta ayay ku tartarsiiyeen inay codka kalsoonida siiyaan Guddiga Doorashooyinka iyo Anisixinta Xildhibaanada ay soo xusheen Beelaha, kuwaasi oo uu hogaanka dhaanka soo meel-mariyo.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Odayaasha Dhaqanka waxay ku boorinayaan Taliyaasha Amniga inaanu musharax gaar ah la safan, islamarkaana aysan xakameynin dhaqdhaqaaqa kuwa kale.

Odayaasha waxay rajo aad uwayn ka qabaan in coddeynta ay noqoto mid ka fog wax isdamarin baahsan, sidda ku cad warka qoraalka ah.

Ugu dambeyntii, Isimadu waxay ka dalbadeen shacabka inay doorkooda ka ciyaaraan sidii doorashadu ugu dhici lahayd jawi xasiloon, oo lamid ah sidii doorashooyinkii lasoo dhaafay ee maamulkaan 20-sano jirka ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!