Isimada Dhulbahante oo DFS ka codsaday inay hogaan usoo magacawdo G/Sool

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo dagaalka Laascaanood  galay asbuucii sadaxaad ayaa Isimada beelaha Dhulbahante waxa ay ka codsadeen dowlada federaalka Soomaaliya in ay hogaan cusub u soo magacaawdo Gobolka Sool.

Isimada oo horay warmurtiyeedkooda ugu sheegay inay degaanada SSC ay hoos yimadaan dowada Federaalka oo ayan qayb ka ahayn Somaliland ayaa haatan ku adkeeysanaya in dowlada federalka ay hogaan cusub u soo magacaawdo degaanka SSC.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa sheegay in hadafka garaadada Gobolka Sool uu yahay in Gobolka Sool uu noqdo gobolka madaxbanaan oo hoostaga dawlada Somaliya, isla markaana uu gudoomiye usoo magacaabo Madaxwaynaha Somaliya.

“Hadafkaygu wuu cad yahay, kaasina waxa weeye hadda in Gobolka Sool noqdo, gobol hoos yimaada Dawladda Federaalka ee Somalia, oo uu madaxweyne noo noqdo Mudane Xasan Sheekh oo uu isagu noo soo magacaabo Guddoomiyahayga, hal gobol weeye Distuurkuna wuu ogol yahay qodobkiisa 48-naad. Waxa dawladda Somalia aanu uga fadhinaana waa codsigaasi tix gelintiisa. Waxaan u doonaynaa in Sool noqdo gobol iskii u madax bannaan oo Dawladda Federaalka ah hoos taga sida Banaadir oo kale.” Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo u warramayey Telefishanka SMS TV ayaa sidaasi sheegay.